DEG DEG:- Si toos ah u daawo dacwadda badda oo maanta Soomaaliya jawaabtii ugu dambeysay bixin doonta

Maanta oo Jimco ah oo ay taariikhdu tahay 23-ka bisha September ee 2016 waxaa maxkamadda caalamiga ee cadaaladda oo ku taala magaalada Hague ee dalka Holland ka socda dacwadda muranka Badda ah ee u dhexeeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Mona Sharman oo haatan ku jirta daqiiqadihii ugu dambeeysay ee diyaargarowgeeda ayaa maanta soo gunaanadi doonta wareegga labaad ahna kan ugu dambeeya ee soo jeedinta Soomaaliya.

Waxaa haatan hadlaya saddex Qareen oo ajanebi ah inta aan Mona soo geba-gebeyn iyada oo ah wakiilka Soomaaliya.

Hadaba waxaa hoos idinkugu soo gudbinaynaa dacwadda oo haatan si TOOS ah “LIVE” uga socota maxkamadda caalamiga ah ee magaalada Hague ee dalka Holland.

error: Content is protected !!