C/weli Gaas oo la sheegay inuu wareegto dalka Itoobiya ugu magacaabay safiir wakiil ka ah Puntland (AKHRISO)

Wareegto maalintii shalay kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa safiir wakiil ka ah Puntland loogu magacaabay dalka Itoobiya Sureer Abshir Muuse (Haamaan), waxayna arrintaan noqotay mid si weyn maanta loo hadal haayo.

Wareegtadaas oo ku saxiixan madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa noqon doonta talaabadii ugu horeysay ee nooceeda uu ku dhaqaaqo maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay arrintaan noqon doontaa mid irid u furi doonta maamul goboleeyadda kale ee ka jira dalka, waxayna sidoo kale daboolka ka qaadi doontaa qorshaha ay dowladda Itoobiya ka leedahay maamul goboleedyada dalka ee ahaa inay mid walba ula macaamisho si gooni ah.

Dhinaca kale, Sureer Abshir Muuse oo la dhalatay taliyihii ugu horeeyay ee booliska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Abshir Muuse ayaa caan ka ah deegaanada Puntland, waxayna muddooyinkii dambe ku sugneyd magaalada Garowe, iyadoo tartan ugu jirta kursiga Aqalka sare ee Baarlamaanka cusub Soomaaliya.

Hoose ka akhriso wareegtadda kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland C/weli Gaas

wareegto_safiir_puntlandjpg

error: Content is protected !!