FALANQEYN:- Doorashada sanadkaan oo weji cusub leh iyo musharixiinta oo dagaal siyaasadeed lasoo baxay

Waxaa muddo 6 isbuuc kadib la qorsheeynayaa in la qabto doorashadda madaxtinimadda dalka Soomaaliya, waana doorashadii ugu dambeysay ee nidaamka awood qeybsiga ku saleysan 4.5 ee ay beelaha Soomaaliyeed ku wadaagi jireen xilalka dowladda.

Doorashadda sanadkaan dhici doonta ayaa loo arkaa mid ka culus doorashaddii sanadkii 2012-kii oo uu ku guuleystay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Musharixiinta sanadkaan ayaa u muuqda kuwo diyaar-garow xooggan usoo galay musharaxnimdooda, islamarkaana soo bandhigay qorshaha ay ku maarayn karaan ololaha doorashadda iyo kharashka kale ee ay kaga talaabi karaan masraxa musharixiinta, kuna kasban karaan codadka xildhibaanda baarlamaanka cusub ee soo socda.

Jawiga diyaar-garowga doorashadda ayaan la guda-galay, iyadoo inta badan musharixiinta madaxtinimadda bilaabeen ololahooda doorashadda.

Munaasabadaha ay musharixiinta ku shaacinayaan damacooda siyaasadeed ee xilka madaxweynaha ayaana weli ka socda magaaladda Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya iyo kuwa dalalka deriska.

Boorarka sawirada musharixiinta ayaana lagu dhejiyay goob kasta oo ka mid ah faras-magaalaha iyo waddooyinka ugu mashquulka badan Muqdisho, iyadoo musharax kasta uu samaystay hal-ku-dheg u khaas ah, oo biyo dhaciisu yahay hamuunka ay u qabaan xilka madaxweynaha.

Musharixiinta madaxweynaha waxaa wehliya siyaasiyiin badan, kuwaasi oo uu damac kaga jiro haddii musharaxa ay taageerayaan ku guuleysto xilka madaxweynaha in loo magacaabi doono xilal sare, kuwa dhexe ama xilal diblomaasiyadeed ama loo cantoobin doono hantida Qaranka ee iska baylahan.

Wargeyska Foreign Policy ee kasoo bxa dalka Mareykanka waxa uu bishaan September 20-keedii maqaal dheer ka qoray arrimaha doorashadda soo socota ee Soomaaliya iyo eedeymaha lagu sheegayo inay jiraan tacadiyo iyo musuq-maasuqa hareyn doona doorashadda soo socota ee madaxtinimadda Soomaaliya.

In ka badan daraasiin musharixiin ayaa ka mid noqday masrxa musharixiinta, waxaana kuwa ugu tunka weyn ka mid ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid oo la soo shaqeeyey labada madaxweyne ee ay haatan ku wada loolami doonaan xilka madaxweynenimadda.

Musharixiintan waxay taageeradda qabaa’ilkooda iyo taageeradda maaliyadda ka dhigtay inay isku aqoonsadaan musharixiinta xaqiiqda, laakiin, musharixiinta isku arka inay yihiin siyaasiyiin mucaarad ah waxay saadaal aan wanaagsan ka bixinayaan hannaanka doorashadda iyo heerka uu garsiisnaan karo xoriyadda dimuqraadiyadda, waxayna si kulul ugu eedeeyaan dowladda federaalka inay gacan adag ku xakamaynayso musharixiinta ka tirsan isbahaysiga isbedel-doonka ah.

Go’aanka lagu mamnuucay dibadbaxyadda siyaasadda ayaa dareen ku abuuray siyaasiyiinta iyo musharixiinta mucaaradka ku ah dowladda federaalka, kuwaasi oo u arkay go’aankaasi mid lagu dabrayo ololahooda doorashadda iyo dibadbaxyadda ay taageerayaashooda ku qabsan lahaayeen magaalada Muqdisho.

Xeel-dheerayaasha ayaa rumeysan inay wax ka jiraan gocashadda musharixiinta la tartamayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,  iyadoo musharixiintaasi sheegaan in aad loo soo koobay tas-hiilaadkooda asaaska u ah iib-geynta ololahooda musharaxnimdooda iyo dibdbaxyadii siyaasadeed.

Ra’iisul wasaare ahna musharax Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke waxa uu si cad u sheegay inay musharixiinta xaq u leeyihiin inay dhigtaan dibadbaxyo siyaasadeed, wuxuuna hadalkiisa u muuqdaa mid uu ku difaacayo musharaxnimadiisa iyo musharixiinta kale.

Dhinaca kale, xaqiiq ahaan siyaasadda Soomaaliya ayaa u muuqata mid iska bedeshay jihadii caadiga ahayd, iyadoo siyaasiyiinta ay u muuqdaan kuwo ku kala qeybsan marxalladda lagu jiro iyo geeddiga doorashadda

Ugu dambeyntii, dhaliisha mucaaradka ayaa la dhihi karaa waa qeyb ka mid ah fur-furnaanshaha dimuqraadiyadda  iyo is-turxaan bixinta, balse waxaan meesha ka maqnan karin khatarta ka dhalata xasaasiyadda ee xilliga doorashooyinka.

error: Content is protected !!