Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo haatan ku sugan deegaanadda Puntland ayaa dhawaan magacaabay guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ee dalka ka dhici doona bisha soo socota ee October.
Guddigan oo kooban ilaa 25 xubnood oo isugu jira rag iyo haween ayaa sida la sheegay noqon doonna kuwa awood badan u leh ansixinta kuraasta la isku qabsado iyo hubinta doorashada dalka.
Guddigaan oo horaantii bishaan la filaayay in la magacaabo ayaa sida la sheegay lagu magacaabay qaab beeleed ah oo ay keensadeen madaxda madasha Qaran, waxayna guddigaan ku shaqo leeyihiin xallinta khilaafaadka ee doorashooyinka dalka.
Magacyadda guddiga khilaafaadka oo 25-xubnood ka kooban ayaa waxay kala yihiin sida hoos ku xusan:-
- Maxamed Faarax Ciise Gaashaan
- C/laahi Xaaji Xasan
- Maxamed Sheekh Jaamac Nageeye
- Jeneraal Muuse Xasan Sheekh
- Ismaaciil Macalin Muuse
- Axmed Abroona Amiin
- Xaaji Maxamuud Maxamed
- Cali Xuseen Boocey
- Xuseen Ceelaabe Faahiye
- C/raxmaan Cabdulle Cismaan Shuuke
- Xaaji Abuukar Cismaan
- Cumar Jaamac Axmed
- C/rashiid Barre Jaamac
- Sahra Maxamed Axmed
- Xaawa Cali Jaamac
- Ruqiya Shariif Ibraahim
- Dr. Caasha Xaaji Warsame
- Dr. Canab C/laahi Xaashi
- C/qaadir Xuseen Cabdi Buule
- Cali Xaaji Cabdinuur
- Yaasiin Axmed Nuur
- C/naasir Xaaji Sheegoow
- C/kariim Axmed Xasan
- Ibraahim Sanbuur Xasan
- Maxamed Maax Macalin