Xeer-ilaaliyaha qaranka oo sheegay in xukuumaddii KMG ahayd ay mudan tahay in la amaano (VIDEO)

Xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Nuur ayaa si faah faahsan uga hadlay heshiiskii is afagardka ahaa ee MoU oo ay 2009-kii kala saxiideen xukuumada KMG ahayd ee uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo dowladda Kenya.

Wuxuu xeer ilaaliyaha sheegay in xukuumaddii KMG ahayd ee Cumar C/rashiid ay ku saxsaneyd inay saxiixdo heshiiskaas, islamarkaana ay mudan tahay in lagu amaano arrinkaas.

Xeer-ilaaliyaha oo hadalkaan ka sheegay magaalada Hague, ayaa tilmaamay in heshiiskii labada dhinac ee MoU aan looga hadlin xuduudii hore sida ku cad heshiiska labada dhinac.

Wuxuu dhinaca kale ku cel-celiyay in heshiiskaasi oo ay saxiixday xukuumadii KMG ahayd uu wax badan taray arrintaan dacwadda ee muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya.

“Aniga shaqsi ahaan, ka xeer-ilaaliye ahaan aniga oo aan cidna u eexaneyn qofna ka haybadeysaneyn, waxaan aaminsanahay in sharaf lagu siiyo xukuumadii saxiixdey, uljeedadii MoU maanta ayaa la qeexay, ma ahayn mid bad lagu gadanaayo, ama heshiis gaar ah lagu gelaayo, waxay ahayd in qolof qaaradeedka labada dal gudbistaan oo labada dal is hor istaagin, haddii aan saxiixaas la gelin, waxaan dhumin laheyn baddeena” Sidaas waxaa yiri Xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Nuur

Si kastaba ha ahaatee, hadalka xeer-ilaaliyaha qaranka ayaa u muuqda meesha ka saaraya in Badda Soomaaliya ay iibiyeen madaxdii dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya, uu ugu horeeyay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, waxaana hadalkaan uu sidoo kale meesha ka saaraya dacaayadii laga fidinayay qaar kamid ah musharxiinta madaxweyne ee uu ka mid yahay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

error: Content is protected !!