Wasiir Hadliye oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay kulanka Qaramada Midoobay ee New York (VIDEO)

Wasiirka arrimaha dibada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay uu kaga hadlaayo xaalada Soomaaliya ka jeediyay kulanka guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New york ee dalka Mareykanka.

Wasiirka ayaa marka hore si weyn uga hadlay arimo badan oo quseeya caalamka iyo sidoo kale xaalada Soomaaliya.

Wasiir Hadliye ayaa sidoo kale ka hadlay la dagaalanka Xarakada Al-shabaab, waxaana uu sheegay inĀ  dalalka caalamka looga baahan yahay inay dowladda federaalka Soomaaliya ka taageeraan sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada ay wali gacanta ku hayaan.

Waxaa uu xusay in dalalka caalamka looga baahan yahay inay u midoobaan la dagaalanka Al-shabaab.

Dhinaca kale, wasiirka ayaa ka hadlay isbadelka cimilada iyo sidoo kale dhaqaalo xumida soo wajahday qaar ka mid ah dalalka caalamka.

Ugu damebyntii, kulanka golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa wali ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka, iyadoo ay khudbadaha madaxda caalamka lagu soo qaadayo arrimo badan oo kala duwan.

error: Content is protected !!