XOG:- Guddiga doorashada dadban oo shaacin doono inuu dib u dhac ku yimid doorashada dalka

Ilo xog-ogaal ah aynu goordhaw ka helnay xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa inoo sheegaya in dib loo dhigay doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya, taas oo la filaayay inay dhacdo bisha soo socota October 30-keeda ee sanadkaan 2016-ka.

Sarkaal ku sugan xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya oo goordhaw qadka teleefanka kula hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u xaqiijiyay in doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ay dhici doonto bisha November 30-keeda ee sanadkaan aynu ku jirno.

Dhinaca kale, sarkaalkaasi ayaa sheegay in waqtiyadda soo socdo la filaayo in guddiga doorashadda dadban ay si rasmi ah ugu dhawaaqi doonaan inuu dib u dhac ku yimid jadwalka doorashadda dalka ee horey loo shaaciyay.

Si kastaba ha ahaatee, maalintii shalay ayay ahayd markii aynu idiin soo gudbinay xog-ku saabsanayd inuu fashil weyn ku yimid qorshihii guddiga doorashada dadban ee hore loo shaaciyay inay doorasho dalka ku dhici doonto waqtigii loogu tala-galay

(HALKAAN KA AQRISO XOGTII AYNU SHALAY SOO GUDBINAY)

DIGNIIN:- Fadlan Dhowr Xuquuqda Qoraalka

error: Content is protected !!