XOG:- Maxaa keenay in xeer-ilaaliyaha Qaranka uu difaaco madaxda dowladdii KMG ahayd Soomaaliya? (AKHRISO)

Axmed Cali Daahir oo ah xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka islamarkaana ahaa mas’uulkii dhinaca Soomaaliya hogaaminayay dacwadda Badda Soomaaliya iyo Kenya ayaa laga dareemay is-bedel iyo hadalo is khilaafsan intii ay dacwadaasi ka socotay maxkamadda cadaaladda adduunka magaalada Hague ee dalka Holland.

Xeer-ilaaliyaha oo xilkiisii bandhigga dacwadda u xil saaray Qareenadda Soomaaliyeed Muna Sharmaan oo sida dhigiisa dalka Kenya aan wax dood ah ka jeedin maxkamadda ICJ ayaa dhinaca kale wareysiyo iyo qaabilaadyo fara badan la yeeshay saxaafadda Soomaalida.

Hadalka dhawaan kasoo yeeray Xeer-ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa dhaliyay shaki badan, wuxuuna noqday mid cid kasta ay daliishato wareysiyada laga qaaday iyo wararkiisa is-burinaya ee ku saabsan Kiiska Badda Soomaaliya iyo Kenya isku hayaan.

Dhibaatadda oo dhan iyo muranka la geliyay Badda Soomaaliya oo lagu eedeynayo inay saxiixday dowladdii KMG ahayd, ayaa haddana wareysi uu bixiyay xeer-ilaaliyaha ku sheegay in Kenya ay dhibaatada wado oo heshiiska MoU si khaldan u fasiratay, wuxuuse kasii  daray markii uu sheegay in MoU-da lala galay Kenya ay wax weyn u soo celisay Soomaaliya oo ay tahay in looga mahad celiyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee saxiixay heshiiskaas.

Si kastaba oo ay ahaataba, hadalada kasoo yeeray xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaaliyeed Axmed Cali Daahir ayaa muujinaya inay fari ku godan tahay, waxaana la isweydiinayaa maxaa keenay inuu difaaco dadkii muranka geliyay badda Soomaaliya, islamarkaana Kenya u ogolaaday inay ku fikirto boobka hantida Qaranka Soomaaliyeed.

DIGNIIN:- Fadlan Dhowr Xuquuqda Qoraalka

error: Content is protected !!