DEG DEG:- C/laahi Xuseen Mayoonge oo goordhaw lagu dhaawacay magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan oo watay gaari nooca raaxadda ah ayaa goordhaw degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ku dhaawacay ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle dhexe C/laahi Xuseen Maxamed Mayoonge.

Kooxdaasi ayaa weerar ku qaaday gaari uu la socday C/laahi Mayoonge, waxayna kuhor gooyeen gaarigiisa oo xilligaasi maraayay agagaarka saldhigga degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaasi ayaa ku dhaawacmay Gaashaanle dhexe C/laahi Mayoonge, iyadoona sidoo kale uu ku geeriyooday darawalkiisa.

Goobta uu weerarka ka dhacay ayaa islamarkiiba waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka oo halkaasi baaritaano culus ka sameeyay.

Dhinaca kale, ma jirto cid ilaa iyo haatan loosoo qabtay weerarkaasi, waxaana goobta isaga baxsaday kooxihii weerarka ku qaaday ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle dhexe C/laahi Xuseen Maxamed Mayoonge.

Ugu dambeyntii, dhaawaca Gaashaanle dhexe C/laahi Mayoonge ayaa la geeyay mid ka mid ah isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana goobta uu weerarka ka dhacay haatan kusoo noqotay mid caadi ah.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!