Sheekh Shariif oo maanta si rasmi ah Muqdisho kaga dhawaaqi doonno musharaxnimadiisa

Waxaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu si rasmi ah magaalada Muqdisho kaga dhawaaqo musharaxnimadiisa xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo muddo 4 sanno ah dalka ka maqanaa ayaa maalintii Khamiista ahayd dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, wuxuuna maalmihii ugu dambeysay kulamo kala duwan la yeelanayay siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, ururada bulshada rayidka ah iyo saraakiisha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah musharixiinta ugu cad-cad doorashada sanadkaan dhici doonta ayaa la dhihi karaa waxa uu ciriiri gelin karaa madaxweynaha haatan xilka haaya ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, waxaa haatan Hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho ka socota qaban-qaabadda munaasabada uu Sheekh Shariif kaga dhawaaqi doonno musharaxnimadii madaxweyne, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka hoteelkaas.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in kumanaan qof oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada ay kasoo qeyb galaan munaasabadaas, uu maanta Sheekh Shariif kaga dhawaaqi doonno musharaxnimadiisa xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, munaasabada maanta ka dhici doonto Hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho ayaa noqon doonta mid si toos ah looga daawado inta badan teleefishinadda Soomaalida ee sida gaarka ah loo leeyahay, iyadoona taageerayaasha Sheekh Shariif Sheekh ay halkaasi wacdaro ka dhigi doonaan.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!