Si toos oo “LIVE” u daawo xafladda ku dhawaaqista xilka madaxweynaha ee Sheekh Shariif

Waxaa hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho goordhaw ka bilawday xafladda ku dhawaaqista xilka madaxweynaha Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoona ay xafladdu kasoo qeyb-galeen marti sharaf aad u badan.

Waxaa haatan goobta khudbado ka jeedinaya mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin kasoo qeyb-gashay xafladda, kuwaas oo Sheekh Shariif ku ammaanaya inuu yahay qof xilkaan si daacadnimo u gudanaya, islamarkaana balanta sida toos uga soo baxa.

Ammaanka goobta ay xafladda ka socoto ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana dadweynaha kasoo qeyb-galay xafladaasi ay yihiin kuwa ilaalinaya nidaamka goobta

Hadaba si toos ah oo “LIVE” uga daawo qeybta hoose

error: Content is protected !!