Faah faahin:- Dagaal culus oo daqiiqado kahor ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa dagaal aad u culus oo daqiiqado kahor ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kaas oo la isku adeegsaday hubka noocyaddiisa kala duwan.

Dagaalkaasi ayaa sida la sheegay u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana uu yimid kadib markii lagu murmay sii deynta nin nabadoon ah oo magaaladaasi lagu xiray.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku geeriyooday mid ka mid ah askartii dagaalka dhexmaray, iyadoona sidoo kale ay 6 kale ku dhaawacantay, kuwaas oo ka wada tirsanaa labad dhinac ee dagaalka dhexmaray.

Dhaawacyadda lixda askari ayaa waxaa islamarkiiba loola cararay isbitaalka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasi oo dhaawacooda lagu daaweynayo.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal oo ilaa iyo haatan kasoo baxay saraakiisha ciidamada labadaasi dhinac hogaaminaysay, waxaana haatan la sheegayaa in goobtii lagu dagaalay ay degan tahay.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!