Howlgalo aan caadi ahayn oo maanta ka socdo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho (AKHRISO SABABTA)

Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay aroortii howlgalo culus ka bilaabay qeybo ka mid ah degmooyinka Hodan, Howl-wadaag iyo Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Howlgaladaasi ayaa ahaa mid lagu baarayo guryaha iyo goobaha ganacsi ee ku yaala degmooyinkaas, waxayna sidoo kale ciidankaasi xanibeen dhamaan ganacsigii ka jiray suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo farabadan iyo gaadiid dagaal ayaa maanta lagu arkayaa isgoysyadda Howl-wadaag, Bakaaraha, Baar-ubax  iyo Warshadii hore ee caanaha ee magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo haatan lama oga uljeedka rasmiga ah ee ka dambeeysa howlgalkaan ay maanta ciidamadaasi ka wadaan degmooyinka Muqdisho, balse warar hoose aynu helnay ayaa inoo sheegaya in ciidankaasi lagu soo wargeliyay inay degmooyinkaasi ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-shabaab.

Xubnahaasi Al-shabaab ka tirsan ayaa la sheegay inay yihiin kuwa loo qorsheeyay inay weeraro ismiidaamin ah ka geystaan xarumaha ay ka dhici doonaan doorashooyinka dalka, taas oo keentay inay ciidankaasi bilaabaan howlgalada culus.

Dhinaca kale, ciidankaan ayaa howlgalkooda kusoo qab-qabtay boqolaal qof oo shacab ah, kuwaas oo la isugu geeyay nawaaxiga shirkada Hormuud ee ku taala suuqa Bakaaraha, halkaasi oo la doonayo in lagu kala saaro dadka shacabka ah iyo Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalkaan maanta sida weyn uga socda qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho ayaa kusoo beegmayaa xilli dhawaantaan la qorsheeynayo inay dalka ka dhacaan doorashooyin, waxaana muuqata in ciidankaasi ay bilaabeen howlgalo lagu baacsanayo xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanayo guryaha ku yaala magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!