Waxaa maanta koonfurta magaalada Gaalkacyo lagu aasay ilaa 13 askari oo ka tirsanaa ciidamada maamulka Galmudug, kuwaas oo ku dhintay duqeyntii ka dhacday deegaanka Jeexdin ee ku taala duuleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Duqeyntaasi ayaa sida la sheegay geystay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka oo kasoo kacay garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo maamul ahaan hoos-yimaada maamulka Puntland.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa duqeyntaasi si weyn u dhaleeceysay, waxayna sheegeen in maamulka Puntland uu bilaabay qorshe been abuur ah.
Puntland ayaa sheegtay in howlgal ay iska kaashadeen ciidankooda iyo kuwa Mareykan ah ay deegaanka Jeexdin ku dileen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab, kuwaas oo ay ku sheegeen inay qorsheynayeen inay weeraro kusoo qaadaan ciidanka Puntland
Inkastoo xaalada deegaanka Jeexdin ay haatan tahay mid degan, ayaa hadane aroortii saakay waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay maleeshiyaad ka kala tiran Puntland iyo Galmudug, kadib markii maleeshiyaadka Galmudug ay ka caroodeen duqeynta lagu laayay ciidamada Galmudug.