Wararkii ugu dambeeyay dagaal iyo duqeymo ka dhacay duuleedka magaalada Gaalkacyo (SAWIRO)

Waxaa faah faahin dheeraad ah kasoo baxaysaa duqeyn iyo dagaal maanta ka dhacay deegaanka Jeexdin oo ku yaala duuleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyadoona duqeyntaasi ay ka dhasheen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo warbaahinta Bulshoweyn la hadlay ayaa u sheegay in duqeyntaasi ay geysteen diyaarado ay leeyihiin dowladda Mareykanka, oo kasoo kicitamay garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo.

Inta la xaqiijiyay waxaa duqeyntaasi ku geeriyootay ilaa 13 askari oo ka tirsanaa ciidanka maamulka Galmudug, iyadoona seddax kale oo dad shacab ah ay ku dhaawacmeen, sida uu warbaahinta Bulshoweyn u xaqiijiyay guddoomiyaha magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug Xirsi Yuusuf Barre.

Gudoomiye Xirsi Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay in duqeyntaasi lagu bur-buriyay labo gaari oo ay saarnaayeen ciidamada maamulka Galmudug oo ku sugnaa deegaanka Jeexdin oo ku yaala duuleedka Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

“Diyaarado ay leeyihiin Mareykanka ayaa waxay soo weerareen saldhig ay ciidanka Galmudug ku leeyihiin deegaanka Jeexdin oo dhinaca bari kaga yaala magaalada Gaalkacyo, waxaana weerarkaasi lagu bur-buriyay laba gaari oo ay ku dhinteen 13 askari oo ka tirsan ciidanka Galmudug” Sidaasi waxaa yiri guddoomiyaha magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug Xirsi Yuusuf Barre

Ilaa iyo haatan lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in la bar-tilmaameedsado saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka Galmudug ee ku yaala deegaanka Jeexdin ee duuleedka Gaalkacyo.

Dhinaca kale, mas’uul ka tirsan maamulka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgal ay iska kaashadeen ciidamada Puntland iyo kuwa Mareykan ah ay deegaanka Jeexdin ku dileen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Mas’uulkaan ka tirsan Puntland ayaa sidoo kale sheegay inay ka hortageen weerar ay Al-shabaab ku doonayeen inay kusoo qaadaan ciidanka Puntland , isagoona dhinaca kale tilmaamay inay sii wadi doonaan weerarada lagu bar-tilmaameedsanayo Al-shabaab.

Ugu dambeyntii, maamulka Galmudug ayaa soo bandhigay ilaa 13 askari oo ka tirsanaa ciidanka maamulkooda ee lagu dilay weerarka lagu qaaday saldhigga ku yaala deeganka Jeexdin, iyagoona dhinaca kale meesha ka saaray jiritaanka wararka la xiriira in xubno ka tirsan Al-shabaab lagu duqeeyay halkaas.

Si kastaba ha ahaatee, xaalada deegaanka Jeexdin ee duuleedka Gaalkacyo ayaa haatan ah mid degan, halkaas oo aroortii saakay uu dagaal ka dhacay, kadib markii maleeshiyaad careysan oo ka caroodeen duqeynta lagu laayay ciidamada Galmudug ay la dagaalameen ciidamo ka tirsan Puntland.

galmudug_weerar galmudug_weerar_01 galmudug_weerar_02 galmudug_weerar_03 galmudug_weerar_05 galmudug_weerar_06 galmudug_weerar_07

error: Content is protected !!