Wariye C/casiis Maxamed Cali oo maanta lagu aasay qabuuraha Iskuul Polizio ee Muqdisho (SAWIRO)

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya lagu aasay wariye C/casiis Maxamed Cali Xaaji oo ka tirsanaa Idaacadda Shabeelle xarunteeda Muqdisho.

Koox hubeysan ayaa gelinkii dambe ee shalay degmada Yaaqshiid ku dishay Wariye C/casiis Maxamed, waxaana meydkiisa maanta lagu aasay qabuuraha Iskuul Polizio ee magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay dad u badan bahda saxaafadda, masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu dambeyntii, Allaha u naxariistee wariye C/casiis oo 35 jir ahaa islamarkaana la sheegay inuu dhawaantaan guursaday ayaa xilligii la dilaayay la sheegay inuu kusii jeeday hoygiisa ku yaala degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay dilka wariye C/casiis, waxaana dilkiisa uu qeyb ka yahay dilalka joogtadda ah ee lagu haayo wariyaasha ka howlgala dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

meydka_wariye_cabdicasiis

error: Content is protected !!