XOG RASMI AH:- Laba mas’uul oo isku haysto hogaanka maamul mucaarad ah oo dhawaan la dhisi doono

Warar hoose oo laga helayo magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ugaaska Beesha Xawaadle iyo taageerayaashiisa ay haatan ku howlan yihiin ku dhawaaqista maamul mucaarad ah oo haatan la isku haysto ciddii hogaan ka noqon lahayd.

Maamulkaan oo qorshihiisa yahay inuu noqdo maamul looga soo horjeedo shirka Jowhar iyo natiijada kasoo baxdo ayaa lagu wadaa in dhawaan looga dhawaaqo magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed” iyo C/fitaax Xasan Afrax oo hore guddoomiye uga ahaa gobolkaasi ayaa la sheegayaa inay isku haystaan hogaaminta maamulkaasi mucaaradka ku ah shirka Jowhar.

Ilaa iyo haatan lama oga sida uu xaalka ku dambeyn doonno, balse waxaa la ogaan doonnaa cidda sida rasmiga ah ay odayaasha dhaqanka iyo duubabka Hiiraan ugu codeeyaan cidda sida rasmiga ah hogaanka maamulkaasi u qaban lahayd.

DIGNIIN:- Fadlan Dhowr Xuquuqda Qoraalka.

error: Content is protected !!