XOG:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo bedalay qorshe uu la damacsanaa maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe

Ilo xog-ogaal ah aynu ka heleyno xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa inoo sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu gebi-ahaan bedalay qorshihiisii ku aadanaa ciddii noqoneysa madaxweynaha maamulka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo marka hore qorshihiisu ahaa in shaqsi kasoo jeeda beesha Xawaadle laga dhigo madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe, ayaa hadane u muuqda inuu arrinkaasi ka laabtay, maadaama beesha Abgaal ay haatan ku doodayaan in caasimadda maamulkaasi loosoo wareejiyo magaalada Jowhar.

Arrintaan oo madaxweyne Xasan Sheekh si aad ah ugu adkaatay ayaa go’aan ku gaaray in caasimadda maamulka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe loo daayo halkeeda Buula-burte, halka beesha Abgaal-na la siiyo madaxweynaha maamulkaas, waxaana olole xilkaasi loogu caleemo saarayaa shaqsi kasoo jeeda Harti-Abgaal, gaar ahaan Obokar Gaab.

Qorshaha uu wato madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda mid aanay suurto-gal noqon karin, maadaama qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda beesha Xawaadle ay weli ka biyo diidsan yihiin ka qeyb-galka shirkaas Jowhar.

Dhinaca kale, xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo si weyn ugu oleleynayay inuu noqdo madaxweynaha maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe, ayaa la sheegay inay isku dhaceen madaxweyne Xasan Sheekh, kadib markii uu dowladda ku yeeshay lacago xad-dhaaf ah oo dhamaantood lagu bixiyay qorshayaashii howlgalka shirka Jowhar loo fadhiyo.

Ugu danbeyntii,  madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wali isku arko inuu waqti badan u heysto dhismaha maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe, oo muhiimada ugu weyn uu ka leeyahay ay tahay sidii uu halkaas uga heli lahaa xildhibaano codka siiya marka la gaaro doorashadda xilka madaxweynaha dalka Soomaaliya.

DIGNIIN:- Fadlan Dhowr Xuquuqda Qoraalka

error: Content is protected !!