DEG DEG:- Hoobiyaal goordhaw ku dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo qasaare ka dhashay

Waxaa goordhaw tiro madaafiic oo hoobiyaal ah ay kusoo dhaceen xaafado ka mid ah degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, iyadoona madaafiicdaasi ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo ka mid ah dadka deegaanka.

Ilaa seddax madfac oo nooca hoobiyaha ah ayaa la sheegay inay kusoo dhaceen dhowr guri oo ku yaala degmada Wadajir gaar ahaan xaafadda Buulo-Xuubey, waxaana sida la sheegay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah balse aan la ogeyn tirada ay dadkaasi gaarsiisan tahay.

Ilaa iyo haatan lama oga halka laga soo tuuray madaafiicdaan hoobiyaasha ah ee kusoo dhacday xaafadaha degmada Wadajir, iyadoona weerarkaan hoobiyaasha ah uu kusoo beegmayo xilli maanta qarax miino oo aad u xoogan uu ka dhacay maqaayad ku taala degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen 2 qof oo dumar ah.

Dhinaca kale, warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi hoobiyaasha ah ay ka dambeeyeen Xarakada Al-shabaab, islamarkaana lala eegtay xeradda Xalane oo ay ku sugan yihiin ciidanka AMISOM.

Xaaladda goobta ay madaafiicda hoobiyaasha ah ku dhaceen degmada Wadajir gaar ahaan xaafadda Buulo-xuubeey ayaa ah mid aad u kacsan, inkastoo weli lagu wareersan yahay halka laga soo tuuray madaafiicdaas.

Dhinaca kale, saraakiisha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin weerarkaan madaafiic ee goordhaw lagu qaaday xaafado ku yaala degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, iyadoona xaaladda halkaasi ay haatan tahay mid aad u kacsan.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!