Dowladda federaalka oo war-murtiyeed kasoo saartay xasuuqii loo geystay askartii Galmudug (AKHRISO)

War-murtiyeed kasoo baxay golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay duqeyntii shalay deegaanka Jeexdin ee duuleedka magaalada Gaalkacyo lagu dilay ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug.

Diyaarado Mareykan ayaa shalay duqeymo culus ka geystay saldhig ciidan oo ku yaala deegaanka Jeexdin ee duuleedka Gaalkacyo, waxaana ku geeriyootay ilaa 13 askari oo ka tirsanaa kuwa maamulka Galmudug.

Golaha wasiirada ayaa walaac ka muujiyay sheegashada Puntland ee duqeyntaas, taas oo ay ku sheegeen inay xiisad keeni karto.

Ugu dambeyntii, golaha wasiiradda ayaa dowladda Mareykanka ka codsaday inay sharaxaad dheeraad ah ka bixiyaan duqeynta lagu dhameeyay askartii Galmudug oo ay ku sheegeen inay ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

war_murtiyeed_jeexdin war_murtiyeed_jeexdin_1

error: Content is protected !!