Kooxo hubeysan oo galabta degmada Waaberi ku dilay mid ka mid ah shaqaalaha dowladda

Kooxo hubeysan ayaa maanta salaadii casir kadib degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ku dilay Allaha u naxariistee Maxamed Axmed Qoordheere oo ka tirsanaa shaqaalaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Maxamed Axmed Qoordheere ayaa la sheegay in dhowr rasaas lagu dhuftay xilli uu kasoo baxay salaadii casir oo uu kusoo dukaday masjid ku yaala degmada Waaberi.

Marxuumka oo dhaawac ahaan loola cararay Isbitaalka Daarul-Shifa ee magaalada Muqdisho ayaa markii dambe dhaawacaasi u geeriyooday, waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa shaqaalaha howl-wadeenada qeybta xisaabaadka wasaarada garsoorka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Kooxihii dilka u geystay marxuumka ayaa islamarkiiba goobta isaga baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka oo goobtaasi baaritaano ka sameeyay.

Dhinaca kale, ma jirto cid ilaa iyo haatan ay ciidankaasi usoo qabteen falkaasi dilka ah, sidoo kale ma jiraan cid sheegatay inay ka dambeysay dilka ninkaas.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeeysay oo degmada Waaberi lagu dilo mas’uul ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoona dhowr jeer oo hore ay degmadaasi ka dhaceen falal lid ku ah ammaanka degmadaasi, mana jirto cid ilaa iyo haatan arrinkaasi wax ka qabatay.

error: Content is protected !!