Mareykanka oo ka hadlay weerar dhinaca cirka ah oo ay ku qaadeen saldhig ku yaala duuleedka Gaalkacyo

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay weerar cirka ah oo ay diyaaradahooda dagaal maalintii shalay ka fuliyeen duuleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, gaar ahaan saldhig ciidan oo ku yaala deegaanka Jeexdin, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug.

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon oo lagu magacaabo Cap. Jeff Davis oo gelinkii dambe shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidamadoodu ay howlgal ka fuliyeen duuleedka Gaalkacyo ee gobolka Mudug, isagoona howlgalkaasi ku tilmaamay in lagu dilay kooxo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Wuxuu Cap. Jeff Davis tilmaamay inay ka war-heleen koox ka tirsan Al-shabaab oo isku urursanaya duuleedka magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo doonaya inay weerar kusoo qaadaan la taliyeyaal ciidan oo Mareykan ah iyo ciidan Soomaali ah oo ku sugnaa duuleedka Gaalkacyo.

Cap. Jeff Davis ayaa sheegay in howlgalka ka dhacay duuleedka Gaalkacyo uu ahaa mid ka dhan ah argagixisada Al-shabaab, islamarkaana loo fuliyay qaabkii loogu talo-galay.

Howlgalkaasi ayuu ku sheegay inay hogaaminaayeen ciidamo Soomaali ah, iyagoona dhinaca Mareykanka ay dhinaca cirka ka garab-siiyeen oo kaliya, wuxuuna tilmaamay inay bar-tilmaameedsadeen saldhig ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Cap. Jeff Davis ayaa sidoo kale tilmaamay in weerarkaasi uu ahaa mid is-difaacid kaliya ah, ayna ku dileen 9 dagaalyahano oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab, waxaana uu hoosta ka xariiqay inay sii waddi doonaan weeraradda ka dhanka ah waxaa uu ugu yeeray argagixisada Al-shabaab.

Ugu dambeyntii, Cap. Jeff Davis oo ka jawaabaya wararka sheegaya inay duqeeyeen ciidamo aan ahayn Al-shabaab, ayuu sheegay inay baaritaano dheeraad ah arrintaasi ku sameyn doonaaan.

“Waan maqalnay wararka sheegaya in duqeynta ay ku dhinteen ciidamada maamulka Galmudug, waxaana arrinkaasi ku sameyn doonnaa baaritaan, laakiin weerarka waxaan la beegsanay cadow doonayay inuu weeraro la-taliyeyaal Mareykan ah oo taageerayay ciidamada Soomaalida” Sidaas waxaa yiri Cap. Jeff Davis

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo baxay Cap. Jeff Davis oo ah afhayeen u hadlay dowladda Mareykanka ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka Galmudug ay sheegeen in ciidamadii shalay lagu weeraray deegaanka Jeexdin ee duuleedka Gaalkacyo ay ahaayeen ciidankooda balse aysan ahayn dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

error: Content is protected !!