Dowladda Mareykanka oo markale war-qoraal ah kasoo saartay weerarkii ay ka fuliyeen duuleedka Gaalkacyo

Dowladda Mareykanka ayaa markale war-qoraal ah kasoo saaray duqeyntii cirka ahayd oo ay diyaaradahooda dagaal dhawaan ku qaadeen deegaanka Jeexdin ee duuleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku dhinteen ciidamo badan oo ka tirsan maamulka Galmudug.

War-qoraal ah oo kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika (Africom) ayaa lagu beeniyay in diyaaradaha Mareykanka ay duqeyn ku dileen ciidamo ka tirsan Galmudug, iyagoona taas badalkeeda sheegay in weerarkaasi lagu dilay dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Waxaa sidoo kale qoraalkaasi lagu sheegay in dagaalyahanadda ka tirsan Al-shabaab ay markii hore soo weerareen xarun ay ku sugnaayeen La-taliyaal Mareykan iyo ciidamo Soomaali ah oo ku sugnaa xarun ku taalo duuleedka Gaalkacyo, sidaas darteed ay taasi badalkeeda iyagane weerar ay ku tilmaameen is-difaacid ku dileen 9 ka mid ah dagaalyahadda Al-shabaab.

Sidoo kale, afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon oo lagu magacaabo Cap. Jeff Davis oo maalintii shalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidamadoodu ay howlgal uu ku tilmaamay mid is-difaacid ah ka fuliyeen duuleedka Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ayna ku dileen 9 dagaalyahano oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Cap. Jeff Davis oo dhinaca kale ka jawaabaya wararka sheegaya inay duqeeyeen ciidamo aan ahayn Al-shabaab, ayuu sheegay inay baaritaano dheeraad ah arrintaasi ku sameyn doonaaan.

Dhinaca kale, madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maalintii shalay kulan la yeeshaay wakiil ka socday dowladda Mareykanka, wuxuuna madaxweyne Guuleed dowladda Mareykanka ka dalbaday inay jawaab ka bixiso duqeymihii cirka ahaa oo ay ciidankooda ku dileen ciidanka Galmudug oo ku sugnaa deegaanka Jeexdin ee duuleedka magaalada Gaalkacyo.

Ugu dambeyntii, golaha wasiiradda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa cambaareeyay weerarkaasi, waxaana ay dowladda Mareykanka ka dalbadeen inuu sharaxaad dheeraad ah ka bixiyo sababka ku kaliftay inay weerar dhinaca cirka ah ku dilaan ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug.

error: Content is protected !!