Jubbaland oo si kulul u beenisay warar maalmihii ugu dambeysay la isla dhex-maraayay (DHAGEYSO)

Maamulka Jubbaland ayaa si kulul u beeniyay inay taageereen weerarkii cirka ahaa oo ay diyaaradaha dalka Mareykanka dhawaan ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaala deegaanka Jeexdin ee duuleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Afhayeenka maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa sheegay inuusan waxba ka jirin wararka sheegaya in Jubbaland ay taageertay ama ay wax ka ogeyd duqeymihii lagu qaaday askartii Galmudug ee ku sugnaa duuleedka Gaalkacyo.

Mr. Seeraar ayaa dhinaca kale tilmaamay inuu jiray hadal  u muuqda in la jarjaray, kaasoo hore uu maamulka Jubbaland uga hadlay dagaalkii Al-shabaab iyo Puntland, islamarkaana laga dhigay mid cusub oo ay Jubbaland ku taageertay duqeyntii ka dhacday duuleedka Gaalkacyo.

“Waxba kama jiraan in Jubbaland ay wax ka ogtahay ama ay taageertay weerarkii maalinta Arbacada ahayd ay diyaaradaha Mareykanka ku qaadeen duuleedka Gaalkacyo, waxaa jiray war hore oo ay Jubbaland ku taageertay dagaalkii Al-shabaab iyo Puntland, kaas oo la jar-jaray, lagana dhigay in Jubbaland ay arrinta duqeynta Gaalkacyo ku taageerayso, mana jiro xog-dhab ah aynu arrintaasi ka heyno” Sidaas waxaa yiri Afhayeenka maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar

Ugu dambeyntii, afhayeen Seeraar ayaa sheegay in ka maaamul ahaan ay aad uga xun yihiin dadka lagu dilay deegaanka Jeexin ee duuleedka Gaalkacyo, islamarkaana ay ka hadli doonaan markii arrintu xaqiiqadeeda la gaaro.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray afhayeenka maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaantaan warbaahinta qaarkeed lagu faafiyay in weerarkii lagu qaaday deegaanka Jeexdin ee duuleedka Gaalkacyo ay Jubbaland wax ka ogeyd islamarkaana ay taageero siisay.

error: Content is protected !!