Maamulka Jubbaland oo ugu dambeyn amar cusub kasoo saaray arrinta qaxootiga ku xayiran xerada Dhadhaab

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay kulan laba geesood ah oo ay wada yeesheen mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland iyo madax ka socota hay’adda Qaramada Midoobay ee u qaabilsan arrimaha qaxootiga (UNHCR).

Kulankaasi oo ka dhacay xarunta madaxtooyadda Jubbaland ee magaalada Kismaayo islamarkaana ay saxaafadda dibad-joog ka ahayd ayaa waxaa looga hadlay sidii maamulka Jubbaland iyo hay’adda Qaramada Midoobay ay isaga kaashan lahaayeen qaabkii qaxootiga Soomaaliyeed ee ku xayiran xeradda Dhadhaab Kenya ay dib ugu soo laaban lahaayeen Soomaaliya, gaar ahaan deegaanadda uu maamulkaasi ka arrimiyo.

Waxaa sidoo kale kulankaasi looga hadlay sidii gar-gaar loo gaarsiin lahaa dadka tabaaleysan ee ku nool deegaanada Jubbaland, gaar ahaan kuwa saameynta balaaran ay ku yeesheen abaaraha ka jira deegaanadaas.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Jubbaland Jeneraal Maxamed Warsame Darwiish oo kulanka kadib saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in kulankaasi la isku af-gartay islamarkaana lagu heshiiyay in maamulka Jubbaland uu deegaanadooda kusoo dhaweyn doonno qaxootiga Soomaaliyeed ee ku xayiran xeradda Dhadhaab ee dalka Kenya.

“Waxaanu ku heshiinay in dowladda Jubbaland ay raali ka tahay, in dadka Soomaaliyeed oo raba inay kusoo noqdaan dalkooda lagu soo dhaweeyo deegaanadda Jubbaland, waxaana jira in dad Soomaaliyeed oo gaaraya 2,000 oo haatan ku xayiran xeradda Dhadhaab oo hore kaararkooda u xareeyay, wuxuuna heshiiska markii hore ahaa in ilaa laga maareynayo xaaladda dadkii hore usoo galay deegaanada Jubbaland oo tiro ahaan gaaraya 20-ka kun qof, ay dadkaan dambe kusii sugnaadaan xeradda Dhadhaab” Sidaas waxaa yiri wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish.

Si kastaba ha ahaatee, kulankaan ka dhacay xarunta madaxtooyadda Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli qaxooti Soomaaliyeed oo aad u badan ay ilaa iyo haatan ku xayiran yihiin xeradda Dhadhaab ee dalka Kenya, kadib markii maamulka Jubbaland uusoo saaray amaro ah in qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan xeradaasi aysan soo gali karin deegaanadda uu maamulkaasi ka arrimiyo.

error: Content is protected !!