Amb. Stephen Schwartz oo iftiimiyay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan duqeyntii cirka ee duuleedka Gaalkacyo

Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya dalka Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay duqeyntii dhawaan ay diyaaradaha Mareykanku ka geysteen deegaanka Jeexdin ee duuleedka magaalada Gaalkacyo.

Amb. Stephen Schwartz oo wareysi siiyay idaacadda VOA-da ayaa sheegay in Mareykanku qaaday weerar is-difaacid ah, isagoona dhinaca kale beeniyay wararka soo baxaya ee ahaa in weerarkaasi lagu dilay ciidamo aan dagaal ku jirin ee ka tirsan maamulka Galmudug

Wuxuu Amb. Stephen Schwartz sheegay in arrintaas ay baaritaano dheeraad ah ku sameeysay wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka, islamarkaana ay xaqiijisay in weerarkaasi aanan lagu dilin ciidamo aan dagaal ku jirin, balse lagu dilay ciidamo Al-shabaab ah oo ka howl-gala xadka u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland, kuwaas oo isku daya inay xaaladda sii xumeeyaan.

Sidoo kale, Stephen Schwartz ayaa mar la weydiiyey Galmudug oo ku eedeysey duqeynta in Puntland wax ka ogeyd in taasi keento dagaal halkaas ka dhaco, ayaa yiri,

“Waa inaysan dhicin arrinkaasi, maxaa yeelay dowladda Mareykanka iyada ayaa mas’uul ka ah ficiladeeda, cidna kuma eedeynayno, annaga ayaana si kala gaar ah kala xaajoon doonna labada maamul, laakiin tani ma ahan mid iska hor-keenaysa gobolada iyo qabaa’ilka halkaasi dega”

Dhinaca kale, xoghayaha wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Mareykanka Ash Carter oo dhawaan warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in duqeyntii ka dhacday deegaanka Jeexdin ee duuleedka magaalada Gaalkacyo lagu dilay 9 ka mid ah dagaalyahanadda Al-shabaab.

Ugu dambeyntii, dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamulka Galmudug ayaa dhawaantaan ugu baaqay dowladda Mareykanka inay baaritaan waafi ah ku sameeyaan duqeynta lagu bar-tilmaameedsaday ciidamada maamulka Galmudug ee sugnaa saldhig ku yaala deegaanka Jeexdin ee duuleedka Gaalkacyo.

Si kastaba ha ahaatee, duqeyntii dhinaca cirka ahayd ee dhawaan ka dhacday deegaanka Jeexdin ee duuleedka Gaalkacyo ayaa maamulka Galmudug waxay sheegeen in looga dilay ilaa 22 askari oo ciidankooda ka tirsan, halka ay ku dhaawacmeen tiro ku dhaw tobaneeyo.

error: Content is protected !!