DEG DEG:- Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo qasaare xoogan oo ka dhashay

Qarax aad u xoogan islamarkaana loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa daqiiqado kahor ka dhacay banaanka hore ee maqaayadda Blue Sky oo ku taala agagaarka taaladda Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi oo ilaa iyo haatan la ogeyn inta uu la egyahay qasaaraha uu geystay, ayaa ahaa mid si weyn looga maqlay degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay islamarkiiba soo gaaray gawaaridda gurmadka deg-dega ah iyo sidoo kale ciidamo ka tirsan nabad-sugidda qaranka Soomaaliya.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sidoo kale la sheegayaa inay haatan gubaneeyso, iyadoona ciidanka nabad-sugidda ay haatan xireen wadada soo gasha goobta uu qaraxa ka dhacay.

Dhinaca kale, waxaa la sheegayaa inay dad badan ku dhinteen qaraxaasi, iyadoona sidoo kale ay tiro kale ku dhaawacantay, balse aan si rasmi ah loo ogaan karin inta ay tiradooda gaarsiisan tahay.

Warkaan oo faah-faahsan iyo sawirada dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!