Faah faahin:- Qasaaraha ka dhashay qaraxii maanta ka dhacay maqaayadda Blue Sky ee Muqdisho (SAWIRO)

Qarax aad u weyn oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa maanta ka dhacay agagaarka maqaayadda Blue Sky oo ku taala nawaaxiga taaladda Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho, wuxuuna qaraxaasi geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Waxaa inta la xaqiijiyay qaraxaasi ku geeriyootay ilaa seddax qof, waxaana sidoo kale ku dhaawacantay 4 kale, sida ay xaqiijiyeen wariyaasha warbaahinta Bulshoweyn oo maanta goobtaasi gaaray.

Qaraxa ayaa saameyn aad u weyn ku yeeshay isku socodka iyo ganacsiga ka jiray goobtaasi, waxaana sidoo kale goobtaasi ku bas-beelay gaarigii halkaasi ku qarxay.

Gawaaridda dab-damiska iyo kuwa gurmadka deg dega ayaa goobta soo gaaray, waxaana goobta laga qaaday dadkii dhaawacyadda ahaa.

Sidoo kale, ciidanka nabad-sugidda qaranka oo goobta soo gaaray ayaa xiray dhamaan wadooyinka soo gala goobtaasi, inkastoo markii dambe dib loo furay.

Ciidankaasi ayaa sidoo kale goobta ka sameeyay howlgalo balaaran oo ay ku raadinayeen kooxihii falkaasi xun ka dambeeyay.

Ma jirto cid ilaa iyo haatan baaritaanadaasi lagu soo qab-qabtay, ama sheegatay mas’uuliyadiisa, inkastoo mudooyinkii ugu dambeysay qaraxyadda inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho ay sheegan jireen Xarakada Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, qaraxaan ayaa kusoo beegmaya xilli la isku diyaarinaayo inuu dalka ka dhaco doorashooyin, waxayna dowladdu ilaa iyo haatan xakameyn la’dahay inay ka hor-tagto qaraxyadda ay Al-shabaab ka geystaan magaalada Muqdisho.

qarax_maqaayadda_blue_sky_01 qarax_maqaayadda_blue_sky_02 qarax_maqaayadda_blue_sky_03 qarax_maqaayadda_blue_sky_04 qarax_maqaayadda_blue_sky_05 qarax_maqaayadda_blue_sky_06 qarax_maqaayadda_blue_sky_07 qarax_maqaayadda_blue_sky_08 qarax_maqaayadda_blue_sky_09 qarax_maqaayadda_blue_sky_10 qarax_maqaayadda_blue_sky_11 qarax_maqaayadda_blue_sky_12 qarax_maqaayadda_blue_sky_13 qarax_maqaayadda_blue_sky_14 qarax_maqaayadda_blue_sky_15 qarax_maqaayadda_blue_sky_16 qarax_maqaayadda_blue_sky_17 qarax_maqaayadda_blue_sky_18 qarax_maqaayadda_blue_sky_19

error: Content is protected !!