Midowga Yurub oo qoraal xasaasi ah kasoo saaray dib u dhaca ku yimid doorashada Soomaaliya (AKHRISO)

War qoraal ah oo kasoo baxay Midowga Yurub ayaa si kulul loogu canbareeyay dib u dhaca markii labaad ku yimid doorashadda dalka Soomaaliya, kaas oo lagu waday in lagu dhamaystiro 30-ka bisha Oktoober ee sanadkaan 2016-ka.

Midowga Yurub ayaa qoraalkaasi ku sheegay in qorshaha doorashada ee dib u dhaca ku yimid ay keeni karto shakiga laga muujin karo in saraakiisha Soomaaliya aysan dhab ka ahayn inay doorashada ku qabtaan waqtiga loogu tala-galay.

“Bisha dheeradka ah ee lagu daray doorashada Soomaaliya, waxay tahay mid ka hor-imaanaysa dastuurka dalka iyo sharciyadda u degsan hay’adaha dowladda Soomaaliya, waxayna shaki gelin kartaa in saraakiisha Soomaaliya aysan doorashadu dhab ka ahayn” Ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen Midowga Yurub

Dhinaca kale, Midowga Yurub ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida ah in waqtiga kale ee haatan doorashada loo qorsheeyay ay ku dhacdo waqtigeeda, islamarkaana ay noqoto mid la mid ah tii 2012-ka dhacday, taas oo sidata cadaalad iyo dimoqraadiyad ilaa heer gobol ah.

Si kastaba ha ahaatee, qoraalkaan ay soo saareen Midowga Yurub ayaa imaanaya xilli doorashada barlamaanka federaalka Soomaaliya la filaayay inay dhacdo todobaadkii tagay, balse dib loogu dhigay ilaa 23-ka bishaan October, iyadoo mida madaxweynena la geeyay bisha Novermber 30-keeda.

error: Content is protected !!