XOG:- Sababta uu xilka isaga casilay wasiiru dowlaha madaxtooyadda Puntland Dr. Maxamed Cabaas (AKHRISO)

Wasiiru dowlaha madaxtooyadda maamulka Puntland Dr. Maxamed Cabaas Macalin Cumar ayaa la sheegay inuu xilkii uu maamulkaasi ka haayay iska casilay.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in waraaqdiisa is-casilaada uu u gudbiyay madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, islamarkaana uu ka aqbalay.

Warar hoose aynu helnay ayaa sheegaya in Dr. Maxamed Cabaas Macalin uu xilka isaga casilay sababo la xariirta musuq-maasuqa dhinaca maamulka.

Saraakiil ku dhaw wasiiru dowlihii hore ee Puntland Dr. Maxamed Cabaas Macalin ayaa warbaahinta Bulshoweyn u xaqiijiyay inuu wasiiru dowluhu si aad ah uga xanaaqay, kadib markii uu ka warhelay in deeqo mucaawinooyin badan ee uu ka keenay dalka dibadiisa, la musuq-maasuqay.

Wuxuu sarkaalkaasi inoo xaqiijiyay in kadib markii  deeqahaasi la gaarsiin waayay dadkii loogu tala galay, uu Dr. Maxamed Cabaas Macalin Cumar go’aan ku gaaray inuu xilka iska casilo.

Dhinaca kale, ma jirto hadal toos ah uu wasiiru dowlihii hore ee Puntland Dr. Maxamed Cabaas sheegay, balse waxay is-casilaadiisa kusoo beegmaysaa xilli dhawaantaan uu wasiirkii warfaafinta maamulkaasi Puntland Maxamuud Xasan Soocade uu isna xilkii iska-casilay.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ilaa iyo haatan ka hadlin is-casilaada wasiiru dowlaha madaxtooyadda maamulka Puntland Dr. Maxamed Cabaas Macalin Cumar.

DIGNIIN:- Fadlan Dhowr Xuquuqda Qoraalka

error: Content is protected !!