Ugaas Xasan Ugaas Maxamed oo maanta si aan caadi ahayn looga soo dhaweeyay magaalada Cadaado

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in maanta halkaasi si aan caadi ahayn looga soo dhaweeyay Ugaas Xasan Ugaas Maxamed, halkaas oo uu haatan ka soconaayo shirka soo xulitaanka xubnaha labada aqal ee baarlamaanka cusub uga matali doonta gobolada dhexe.

Ugaas Xasan Ugaas Maxamed ayaa mudooyinkii ugu dambeysay ku xayirnaa magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kadib markii maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ay ku amreen inuusan ka qeyb gali karin shirkaas.

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ayaa aaminsan inay sharci darro tahay in magaalada Cadaado lagu soo xulo xubnaha labada aqal ee baarlamaanka uga matali doonta gobolada dhexe, maadaama ay sheegeen in loo baahan yahay in xubnahaasi lagu soo xulo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Ugu dambeyntii, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa Ugaas Xasan Ugaas Maxamed kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado, wuxuuna ugaaska qeyb ka yahay odayaasha ka qeyb qaadanaya soo xulitaanka xubnaha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya uga matali doonta gobolada dhexe.

error: Content is protected !!