Xarakada Al-shabaab oo sheegatay weerarkii shalay ka dhacay maqaayadda Blue Sky ee magaalada Muqdisho

Kadib weerarkii shalay ka dhacay maqaayadda Blue Sky oo ku taalaa agagaarka taaladda Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa qaraxaasi sheegtay Xarakadda Al-shabaab.

Afhayeenka howlgaladda militeri ee Xarakada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo warbaahinta afkooda ku hadasha la hadlay ayaa sheegay inay iyaga mas’uul ka yihiin weerarkii qaraxa ahaa ee maalintii shalay lagu qaaday maqaayadda Blue Sky oo ku taala agagaarka taaladda Xaawo Taako ee magaaladda Muqdisho.

Weerarkaasi oo ahaa mid aa u xoogan islamarkaana uu afhayeenku tilmaamay inuu u dhacay sidii loogu tala-galay ayaa sheegay in lala beegsaday xubno ka tirsan ciidanka ammaanka oo xilligaasi ka cunteynaysay maqaayadda Blue Sky ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo dadka ku xiro xabsiga loo yaqaano godka Jilicow.

“Annaga ayaa weerarkii Blue Sky restaurant ka dambeynay, waxaana ku dilnay ciidamo iyo saraakiil badan oo ka tirsan kuwa dadka ku xira xabsiga godka Jilicoow, waxay xilligaasi ka cunteynayeen maqaayadda, waana sii wadi doonnaa weerarada ceynkaan oo kale ah oo aan la beegsano dowladda” Sidaasi waxaa yiri afhayeenka howlgaladda militeri ee Xarakada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab

Dhinaca kale, afhayeenka maamulka gobalka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane oo isna ka hadlay weerarkii shalay ka dhacay maqaayada Blue Sky ee Muqdisho, ayaa warbaahinta u sheegay inay ku geeriyootay ugu yaraan 3 qof, halka ay 4 kalena ay ku dhaawacantay.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeeysay oo ay Al-shabaab sheegtaan qaraxyadda ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana inta badan qaraxyadaasi ay waxyeelo kasoo gaartaa dadka shacabka ah oo xilliyadaasi ku sugan goobaha ay qaraxyaddu ka dhacaan.

error: Content is protected !!