Yuusuf Madaale “Waxaadba moodaa inuu dhaqan noqday in dadkuba caadeysteen in qolo kastaba magangasho dhagax shub ah..” (DHAGEYSO)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa mar kale ka hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, isagoo dhinaca kale bixiyay amar uu hore u fulin waayay.

Yuusuf Madaale ayaa sheegay in dhagxaan waaweyn lagu xiro wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho aysan marnaba wax ka badali doonin xaaladda amni ee magaalada, balse ay muhiim tahay in xal kale laga fakaro.

Wuxuu gudoomiye Madaale amar ku bixiyay in wadooyinkaasi xiran dib loo furo, maadaama bulshada ku nool magaalada Muqdisho ay qaati ka taagan yihiin isticmaalka wadooyinkaas.

“Waa arrin dhib badan, waa arrin argagax leh, waxaadba moodaa inuu dhaqan noqday in dadkuba caadeysteen in qolo kastaba magangasho dhagax shub ah ama carro meel la dhigo oo dadkana lagu dhibo, carro wax ma celiso, dhagaxna wax ma celiyo, arrinkaasi waxaan rabnaa marka in aan ka dhiidhinno oo aan ka qeylinno, haddii aan fududeysanno wax kastaba marka dambe waxaad arkeysaa gurigaaga hortiisa oo dhegax ku dadban yahay, waxaa laga yaaabaa in habeenkii ku calwasaaddo oo adigana subaxii dhegax soo jiiddo, waxaad arkeysaa waddo muhiim ah misane dhagxaan lagu jaray, waxaan rabnaa in arrinkaasi sidaasi ula dagaalanno” Sidaas waxaa yiri gudoomiye Madaale.

error: Content is protected !!