DEG DEG:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhaw ka degay garoonka magaalada Baydhabo

Wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh waxaa garoonka magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Baydhabo kulamo kula yeelan doonno mas’uuliyiinta maamulkaas iyo sidoo kale odayaal dhaqameedyadda halkaasi ku sugan.

Inkastoo aan la ogeyn sababta ka dambeysay safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Baydhabo ayaa hadane ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo waxay inoo sheegayaan in safarkiisa uu la xiriiro arrimaha doorashooyinka dalka iyo sidoo kale dar-dar gelinta soo xulidda xubnaha maamulkaasi ee ka mid noqon doonna baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale, ammaanka magaalada Baydhabo ayaa maanta ah mid aad loo adkeeyay, waxaana ammaanka halkaasi sugaya ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee magaaalada Baydhabo ayaa kusoo beegmaya xilli magaaladaasi uu ololihiisa doorasho ka wado Jibriil Ibraahim Cabdulle, kaas oo ka mid ah musharixiinta ugu cad cad ee doorashada dalka islamarkaana ciriiri gelin kara dadaalka uu madaxweyne Xasan Sheekh ku doonayo inuu markale dib ugu soo laabto xilka.

Wixii warkaank kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!