Kharashaadka is-diiwaangelinta musharixiinta labada aqal iyo meesha lagu soo shubaayo (AKHRISO)

guddiga_federaalka_logo

Guddiga federaalka ee hirgelinta doorashooyinka dadban ayaa soo bandhigay kharajka lacagaha is-diiwaan-gelinta ee musharixiinta u tartamayso kuraasta baarlamaanka soo socda iyo xisaab bangiyeedka lagu soo shubayo kharajka musharixiinta..

War-saxaafadeed kasoo baxay guddigaas ayaa lagu faah-faahiyey qaabka ay musharixiinta labada aqal ee Baarlamaanka soo socda isku diiwaan gelinayaan.

Xildhibaanadda doonayso inay ka mid noqdaan Aqalka Sare ee Barlamaanka waxaa lagu casuumay inay iska diiwaan geeliyaan golaha fulinta ee dowladda.

Kharajka is-diiwaan gelinta musharixiinta ragga ee ka mid noqon doona Aqalka Sare oo ay dejiyeen Hoggaamiyaasha Madasha Wada-tashiga Qaranka ayaa ah lacag dhan 10,000 oo dollar, halka haweeneyda musharaxa ah laga doonayo kharajka is-diiwaan gelinta oo dhan 5,000 oo dollar.

Diiwaan-gelinto ma dhamaystirmayso ilaa laga wada bixiyo kharajka, lana hubiyo dhamaan dukumentiyadda.

Sidoo kale, musharixiinta Aqalka Shacabka ayaa lagu casuumay inay isku diiwaan geliyaan xilliga loo cayimay xafiisyadda guddiga doorashadda ee heer dowladeed.

Musharixiinta waa inay soo buuxiyaan foomka diiwaan-gelinta iyo codsiyadda looga baahan yahay sida warqadda caddaynta lacag-bixinta ee xisaab lacageedka bangiga.

Diiwaan-gelintu ma noqon doonto mid dhamaystiran ilaa laga bixiyo kharajka, lana wada hubiyo dhamaan dukumentiyadda.

Kharajka is-diiwaan gelinta ee musharaxa ragga ee ka mid noqon doona Aqalka Shacabka waa 5,000 oo dollar, halka haweeneyda musharaxa ah ay bixin doonto lacag dhan 2,500 dollar.

Lacagaha is-diiwaangelinta musharixiinta doonaya xildhibaanimadda labada aqal ee baarlamaanka soo socda waxay kusoo hagaajinayaan xisaab-lacageedka guddiga federalka hirgelinta doorashooyinka ee tirsigiisu yahay 104104638 ee Dahabshil Bank Interrnational, xarunta dhexe ee Bangiga ee Jidka Maka Almukarama, Hodan, Mogadishu. Swift Code:DBISD112

error: Content is protected !!