Dad tahriibayaal ah oo laga soo bad-baadiyay xeebaha dalalka Libya iyo Talyaaniga (SAWIRO)

Saraakiisha xeebaha ee dalalka Talyaaniga iyo Libya ayaa sheegay in shalay lasoo bad-baadiyay ku dhawaad 6,055 (Lix kun iyo konton iyo shan) tahriibayaal kusii jeeday xeebaha qaaradda Yurub.

Ilaaladda xeebaha Talyaaniga waxay sheegeen inay ugu yaraan 9 tahriibe geeriyoodeen, halka haweeney xaamilo ah iyo ilmo yar loo qaaday isbitaal ku yaala Jaziiradda Lampedusa.

Mid ka mid ah Maraakiibta ilaaladda xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay inay soo bad-baadiyeen 725 Tahriibayaal la socotay hal dooni oo nooca la buufiyo.

Dhinaca kale, howlgaladda lagu soo bad-baadiyey Tahriibayaashaasi waxaa ka qeyb galay 10 markab oo ay ilaaladda xeebaha leeyihiin, mrakab dagaal iyo markab ay leeyihiin ururadda samafalka.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalka shalay lagu soo bad-baadiyey kumanaanka Tahriibayaasha ayaa kusoo beegantay  sanad-guuradii sedaxaad ee kasoo wareegtay markii ay 386 Tahriibayaal u badan Soomaali ku degtay Jaziiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Tahriibayaal La BadbaadiyayTahriibayaal La Badbaadiyay

error: Content is protected !!