DEG DEG:- Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo qasaare ka dhashay

Gaari walxaha qarxa lugu soo xiray ayaa daqiiqado kahor ku qarxay agagaarka sarta Sey Biano islamarkaana ku dhaw Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Qaaraxaasi ayaa sida la sheegay ahaa mid walxaha lagu rakibay gaari uu watay nin macalin ah, waxaana uu qarxay xilli la sheegay inuu ku sugnaa goob gawaaridda looga badalo lugaha.

Ilaa 5 qof ayaa la xaqiijiyay inay qaraxaasi ku dhaawacantay, waxaana qaraxa kadib goobtaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka oo halkaasi baaritaano culus ka bilaabay.

Gaariga ayaa weli ah mid holcaya, waxaana damintiisa la tacaalaya gaadiidka dab-damiska oo goobtaasi soo gaaray.

Ilaa iyo haatan lama oga qasaaraha kale ee uu geystay qaraxaasi, waxaana uu qaraxaan kusoo beegmaya xilli dhowr maalmood kahor qarax ceynkaan oo kale uu ka dhacay afaafka hore ee maqaayadda Blue Sky ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku geeriyootay ilaa 2 qof halka 4 kalena ay ku dhaawacantay.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!