Ergada shirka Jowhar oo cod ku ansixiyay meesha ay noqonayso caasimada maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe

Ergada ka qeyb galeysa shirka Jowhar ee maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa waxay cod u qaadeen in caasimadda maamulkaasi ay noqoto magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Ergadaasi oo ka kala socota beelaha dega labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa sedaxdii maalmood ee ugu dambeysay ka doodayeen dastuurka uu yeelanaayo maamul goboleedkaas.

Qodobka 4aad ee cutubka 1-aad ee qabyo qoraalka dastuurka loo qeybiyay ergada ayaa waxaa ku qoran magaalo madaxda iyo xarunta DGH&SHDH, waxaana xubinta ugu horeeysa ay ka codsanaysaa ergada inay soo buuxiyaan halka ay noqoneyso magaalada madaxda iyadoo u qoran tahay sidan:-

1- Magaala Madaxda Dowlad Goboleedka DGH&SHDH waa…………….

Inta badan ergada shirka Jowhar ayaa u codeeyay in magaalada Jowhar ay noqoto caasimadda maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Dhinaca kale, wareegto uu hore u soo saaray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada madaxda labada gobol loogu magacaabay magaalada Buulo-burte ayaa lagu buriyay wareegto kale oo laba maalmood ka hor uu Xasan Sheekh soo saaray HALKAAN KA AQRISO

error: Content is protected !!