Dib u dhac markale ku yimid ku dhawaaqida Aqalka Sare ee baarlamaanka cusub Soomaaliya (AKHRISO)

Iyadoo maanta oo Arbaco ah lagu waday in dhamaan maamul goboleedyadda dalka Soomaaliya looga dhawaaqo xildhibaanada u taagan Aqalka Sare ee baarlamaanka cusub Soomaaliya ayaa hadane arrinkaasi ku yimid dib u dhac, waxaana sida uu qoraayay jadwalka guddiga doorashooyinka dadban heer federaal ay markii dambe soo saareen uu ahaa in maanta lagu dhawaaqo xildhibaanadaas.

Waxaa magaalada Garoowe maanta lagu waday in madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas uu ku dhwaaqo ugu yaraan 33 musharax oo loo gudbinaayo golaha wakiilada Puntland, si ay uga soo saaraan 11 xubnood ee Puntland uga qeyb-galaya Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Warar hoose ay heshay warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegaya in dib u dhaca ku yimid ku dhawaaqidda xildhibaanada Puntland ay sabab u tahay, ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating oo maalinta berri ah tagaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, iyadoona sidoo kale ay weli jirto cabashada Somaliland ee Aqalka sare ay ku doonayaan tiro intaas ka badan.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in maamulka Hirshabelle la sugaayo in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo xildhibaanadiisi kadibna ay doortaan madaxweyne, inkastoo oo shirka Jowhar uu yahay mid lagu muransan yahay sharcinimadiisa oo ay ka maqan yihiin qaar ka mid ah beelaha deggan gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, arrimahaan aan kor kusoo sheegnay oo dhan ayaa keentay in maanta ay markale dib u dhacdo ku dhawaaqida xildhibaanada Aqalka Sare, waxaana sidoo kale shaki weyn oo laga qabo jadwalada aadka isu bed-bedalay ee doorashooyinka iyo inay mar saddexaad dib u dhacdo doorashadu.

Si kastaba oo ay ahaataba, dhibaatadda ugu weyn ayaa la sheegayaa inay ka socoto musharixiinta u tartameysa xilka madaxweynaha oo faro-gelin weyn ku haaya arrimaha doorashadda, taas oo dowladnimada Soomaaliya dhibaato ku ah maadaama dowladda federaalka ee haatan dalka ka jirta uu waqtigeedii dhamaaday.

error: Content is protected !!