Mid ka mid ah nabadoonadii soo xuli laheyd 135 oday dhaqameed oo lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee maanta degmada Wadajir ku dilay Allaha u naxariistee Nabadoon Xasan Cadaan oo ka mid ahaa waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Nabadoon Xasan Cadaan oo dhaawac culus kasoo gaaray rasaastii lagu dhuftay ayaa markii dambe ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Kooxihii dilka geystay ayaa islamarkiiba goobta isaga baxsaday, waxaana goobtaasi islamarkiiba soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka, oo baaritaano culus halkaas ka sameeyay.

Dhinaca kale, ma jirto cid ilaa iyo haatan loo soo qabtay dilkaas, ama sheegatay mas’uuliyadda dilka Nabadoonka.

Allaha u naxariistee Nabadoon Xasan Cadaan ayaa ka mid ahaa ergada soo xulaysa 135 oday dhaqameed ee iyaguna soo xuli doonna xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!