Xilliga rasmiga ah ee la dooran doonno madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle (AKHRISO)

Inkastoo shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe uu haatan maraayo meel gaba-gabo ah ayaa hadane waxaa la shaaciyay xilliga rasmiga ah ee la dooranayo madaxweynaha cusub uu maamulkaasi yeelan doonno.

Xoghayaha joogtada wasaarada arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ay dhici doonto 15-ka bisha Oktoobar ee sanadkaan 2016-ka, ayna noqon doonto maamulkii ugu danbeeyay ee la dhiso.

Wuxuu sidoo kale Yaxye Cali sheegay inuu isagu soo hindisay qaabka calanka iyo magaca uu yeelanayo maamulka loo sameynayo gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Dhinaca kale, magaca iyo calanka maamulka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa maalintii shalay lasoo saaray, waxaana haatan la guda gali doonnaa xilliga la dooran doonno madaxweynaha maamulkaas.

error: Content is protected !!