C/raxmaan Faroole iyo Cali Xaaji oo dacwad ka gudbiyay Xasan Sheekh iyo mas’uuliyiin kale (VIDEO)

Inkastoo qaar ka mid ah musharixiinta u tartamaya doorashadda madaxtinimadda Soomaaliya ay walaac ka muujiyeen dib u dhaca soo xulitaanka xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Barlamaanka Soomaaliya, ayaa hadane waxay maanta magaaladda Garoowe kulan kula yeesheen Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating.

Musharax C/raxmaan Maxamed Faroole iyo Cali  Xaaji Warsame oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe waxay faahfahin dheeraad ah ka bixiyeen waxyaabihii ay kala hadleen Ergayga Qaramadda Midoobay Michael Keating.

Waxay musharixiintaasi sheegeen inay dacwad u gudbiyaan Ergayga, taas oo ku saabsan walaaca iyo niyad jabka ay ka qabaan dib u dhaca doorashooyinka Soomaaliya, taasi oo ay cabsi ka qabaan in dib loo soo celiyo shirarkii Madasha Qaranka, si waqtiga loogu kordhiyo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, waxay musharixiintaasi sheegeen in amnigii caasimadda magaalada Muqdisho uu faraha ka baxay, oo shaqadii laga eryay in ka badan 1,500 oo shaqaalaha hay’adii Nabad sugida Qaranka ee NISA, oo lagu bedelay dad aan la aqoon meesha ay ka yimaadeen, oo khatar galin kara amniga musharixiinta ayay yiraahdeen.

Dhinaca kale, Michael Keating oo maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sidoo halkaasi kula kulmay madaxweynaha maamulkaas C/weli Maxamed Cali Gaas, qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka iyo haweenka u tartamaya Aqalka hoose iyo midka Sare ee Barlamaanka, ayaan isagu dhiniciisa ka hadlin kulanka uu la yeeshay musharixiinta Cali Xaaji iyo Faroole,

Si kastaba ha ahaatee, imaanshiyaha Garoowe ee Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa kusoo beegmaya, iyadoo markii labaad dib loo dhigay ku dhawaaqidda xildhibaanadda Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya, taasi oo shaki ku abuurtay dad badan inay suurta-gal tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhici karto iyo in waqti kale oo dheeraad lagu dari doono.

error: Content is protected !!