Rag hubeysan oo weerar iyo qaraxyo ku qaaday goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah (SAWIRO)

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo weerar habeenkii xalay ahaa ka dhacay magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in weerarkaasi ay ka dambeeyeen rag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab, waxaana weerarkaasi ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkaasi oo dhacay abaare 2:45 ee xalay ayaa koox ka tirsan Xarakada Al-shabaab waxay weerar culus ku qaadeen meel ay deganaayeen dad shacab ah, waxaana la sheegayaa in weerarka uu markii hore ku bilawday qaraxyo.

Inta la xaqiijiyey 6 qof ayaa geeriyootay tiro intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta magaalada Mandheera.

Sidoo kale, saraakiil ka tirsan ciidamada booliiska oo la hadlay saxaafadda ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku geeriyootay ilaa 6 qof, islamarkaana ay bad-baadiyeen 27 qof oo shacaba ah, kuwaasi oo ku sugnaa halkii weerarka lagu qaaday.

Saraakiishaas wax faah faahin dheeraad ah kama bixin sida uu weerarka u dhacay, balse waxay sheeegeen in ciidankooda ay weli wadaan baaritaanno arrintaasi la xiriirta.

xasuuqmandeera  xasuuqmandeera2 xasuuqmandeera3 xasuuqmandeera4

error: Content is protected !!