Waa sidee xaaladda deegaanka Godinlabe oo ay shalay isku fara-saareen ciidanka Galmudug iyo koox maleeshiyaad ah

Waxaa xaalad deganaansho ah saakay laga soo sheegayaa deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud, halkaas oo maalintii shalay ay ku dagaalameen ciidamada NISA iyo maleeshiyaad hubeysan.

Dagaalkii shalay dhacay deegaankaasi ayaa la sheegayaa inuu bilawday kadib markii ciidanka NISA ee maamulka Galmudug ay isku dayeen in maleeshiyaad isbaaro dhiganayey ay halkaasi ka qaadaan

Ilaa iyo haatan maamulka Galmudug weli kama hadlin dagaaladaasi, hase ahaatee saakay ciidanka NISA ayaa halkaasi dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada.

Dhinaca kale, ma jirto wax dagaal ah oo laga soo sheegayo deegaanka Godinlabe, waxaana koontaroolka dhinaca koonfureed ee deegaankaasi uu saakay yahay mid degan.

Sidoo kale, goobaha ganacsiga ee deegaanka Godinlabe ayaa qaarkood xiran, waxaana cabsida ugu daran oo ay dadka qabaan ay tahay in markale uu halkaasi dagaal ka dhaco.

error: Content is protected !!