Beesha caalamka oo digniin culus markale kasoo saartay arrimaha doorashooyinka dalka (AKHRISO)

War-saxaafadeed ay soo saareen wakiilada beesha caalamka iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay inaan marnaba la aqbali doonin dib u dhac markale ku yimaada doorashada xildhibaanada Aqalka Sare oo ugu dambeyn lagu balansan yahay 10-ka bishaan aynu ku jirno ee October.

Wakiilada beesha caalamka ayaa niyad xumo aad u weyn ka muujiyay dib u dhaca ku yimid soo gudbinta musharixiinta xildhibaanada Aqalka Sare ee baarlamaanka, oo qorshaheedu ahaa in lasoo gudbiyo 5-tii bishan October balse ay dib uga dhacday.

“Dhammaan inta ay quseeyso waa inay hadda laba jibaaraan dadaalkooda, si loo dhaqan geliyo waqtiga doorashada loo dejiyay oo aan mugdi laheyn, kalsoonidii lagu qabay doorashada waxaa lasoo celin karaa marka xilliga loo qabtay doorashada xubnaha Aqalka sare la suurta-geliyo oo wax dib u dhac kale ahna aanay dhicin..” Sidaas waxaa yiri wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating.

Dhinaca kale, digniintaan ayaa ka dambeysay kadib markii la sheegay in maamul goboleedyadda dalka ka jira, aysan ilaa iyo haatan soo gudbin musharixiinta xildhibaanada Aqalka Sare uga matali doonna baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

error: Content is protected !!