Sheekh Cali Dheere oo digniin culus u diray dowladda Kenya kadib dagaalkii ka dhacay Mandheera (DHAGEYSO)

Afhayeenka guud ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo wareeysi siiyay idaacadda Al-furqaan oo ah idaacad taageerta fikradda Al-shabaab ayaa si kulul uga hadlay weerarkii ka dhacay magaalada Mandheera ee gobolka W/Bari Kenya.

Sheekh Cali Dheere ayaa marka hore sheegay in weerarkaasi lagu dilay dad gaalo ah, waxaana uu Sheekh Cali Dheere tilmaamay inay sii wadi doonaan weerarada ay ka wadaan deegaanadda ku yaala Kenya.

Wuxuu sidoo kale Sheekh Cali Dheere digniin u diray dowladda Kenya, isagoona uga digay inay isaga baxaan dalka Soomaaliya, hadii kale ay dhibaatadaas kusii jiri doonaan.

“Mujaahidiinta waxay magaalada Mandheera ku dishay dad gaalo ah, waxayna weeraradaasi ahaayeen kuwa bilaw ah, marka waxaa u sheegayaa dowladda Kenya hadii ay dooneyso inay nabad dalkeeda ugu noolaato, waa inay ciidankeeda kala baxdaa dalka Soomaaliya” Sidaasi waxaa yiri afhayeenka guud ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Dheere

Ugu dambeyntii, Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in mujaahidiinta ay weerari doonaan xarumaha ay ku sugan yihin dadka gaalada ah ee ku sugan deegaanada ay dalka Kenya kaga sugan yihiin, waa sida uu hadalka u yiriyee.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka afhayeenka guud ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa kusoo imaanaya xilli dhawaan weerar ka dhacay magaalada Mandheera ee gobolka W/Bari Kenya lagu dilay ilaa 6 qof oo la sheegay inay ahaayeen dad aan u dhalan dadka deegaanka.

error: Content is protected !!