Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Gaalkacyo iyo sida ay haatan xaaladdu tahay (AKHRISO)

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo dagaalka ka soconaayo xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu dagaalkii u dhaxeeya ciidamada kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland uu haatan istaagay.

Dagaalkaas oo saakay aroortii ka bilawday xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ayaa sida la sheegay yimid kadib markii ay ciidanka Puntland ay bilaabeen inay suuq xoolo ka dhistaan dhul lagu muransan yahay, iyadoo ay ciidanka Galmudug uu arrinkaasi si adag uga soo horjeestay.

Labada dhinac ayaa la sheegayaa inay dagaalkaasi isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana guud ahaan magaalada Gaalkacyo maanta laga maqlayay rasaas iyo madaafiic ay is-dhaafsanayeen labadaasi dhinac.

Dagaalkaasi ayaa sida la sheegay ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee haatan laga helayo magaalada Gaalkacyo ay sheegayaan in dagaalkii uu si iskiis ah u istaagay islamarkaana ay xaaladda tahay mid degan.

Ma jirto cid labada dhinac kala dhex gashay, waxaana xilliyadda qaar magaalada Gaalkacyo laga maqlayaa rasaas si goos-goos ah u dhaceeysa, inkastoo dagaalkii xooganaa uu istaagay.

Dhinaca kale, dadkii ku noolaa xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, ayaa la sheegayaa inay badankooda isaga barakaceen guryahooda, waxaana uu dagaalkaan kusoo beegmayaa xilli lagu mashquulsan yahay isku diyaarinta arrimaha doorashooyinka dalka ka dhici doona bilaha soo socda ee sanadkaan 2016-ka.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!