DEG DEG:- Israsaaseyn aad u culus oo haatan ka socota magaalada Gaalkacyo iyo xiisada oo aad usii kacday

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka bilawday rasaas aad u culus oo ay magaaladaasi isku dhaafsanayaan ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in rasaastaasi ay bilaabatay kadib markii sida la sheegay maamulka Puntland ay magaalada Gaalkacyo dib uga bilawday dhismaha suuqa xoolaha oo markii hore xiisada dagaal uu ka bilawday.

Dhulkaasi ayaa ah meel ay labada dhinac ku muransan yihiin, waxaana haatan laga cabsi qabaa in xiisada colaadeed ay sii kororto, islamarkaana uu meeshaasi ka dhaco dagaal ka xoogan kii shalay ka dhacay xaafada Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!