Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa goordhaw soo saaray liiska musharxiinta xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya u matali doono maamulka Galmudug.
Xubnaha u sharaxan Aqalka Sare ee Galmudug ayaa waxaa ka mid ah wasiirkii hore arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud, madaxweyihii hore ee maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo xubno kale.
Ugu dambeyntii, xubnahaan ku qoran liiska uu soo saaray madaxweyne C/kariin ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay hortagaan baarlamaanka maamulka Galmudug, si looga soo doorto 8 xubnood oo Galmudug u matala Aqalka sare ee baarlamaanka cusub Soomaaliya.
Hadaba hoose ka aqriso magacyadda iyo qabiiladda ay xubnahaasi kasoo kala jeedaan:-
1- Beesha Murudsade
– Cabdi Axmed Dhuxuloow
– Luul Maxamed Sheekh Cismaan
2- Beesha Abgaal/Waceysle
– Cabduqaadir Macalin Nuur Siyaad
– Zamzam Daahir Maxamuud
3- Beesha Duduble
– Yuusuf Geelle Ugaas
– Cabdulle Xassan Nuur
4- Beesha Ceyr/Habargidir
– C/samad Macalin Maxamuud Sheekh Xassan
– Jawaahir Axmed Cilmi
– Eng Xassan Maxamuud Maxamed
5- Beesha Saleebaan/Habargidir
– Axmed Cabdi Kaahiye
– Abshir Maxamed Axmed
– Kamaal Daahir Xassan
6- Beesha Mareexaan
– C/waaxid Cilmi Goonjeex
– Aamina Cali Maxamed
– Maxamuud Maxamed Samatar (Duraan)
7- Beesha Dir
– Macalin Cumar Sheekh Ciise
– Abuukar Axmed Xaashi
8- Beesha Sacad/Habargidir
– Jeneraal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
– Maxamed Xuseen Tahliil