DEG DEG:- Madaxweyne Gaas oo soo saaray liis ay ku qoran yihiin musharixiinta Aqalka Sare ee Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa soo saaray liiska xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya usoo sharxday maamulkiisa.

Afhayeenka maamulka Puntland C/laahi Quraan Jecel ayaa goordhaw saxaafadda u aqriyay liiska qoraalkaasi oo ku qoran ilaa 30 musharax oo u tartameeysa Aqalka Sare.

Waxaa kuraasta qaarkod u sharaxan ilaa 4 xubnood, halka qaar kalena 2 xubnood oo kaliya ku qoran yihiin.

Xubnaha u sharaxan Aqalka Sare ayaa waxaa ku jira ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, madaxweyihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Faroole, guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka federaalka Mahad Cawad iyo xubno  kale.

Ugu dambeyntii, xubnahaan ku qoran liiska uu soo saaray madaxweyne Gaas ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay hortagaan baarlamaanka maamulka Puntland, si looga soo doorto 11 xubnood oo Puntland u matalaya Aqalka sare ee barlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Hadaba nuqulka mid ah liiskaasi oo nasoo gaaray ayaa u qornaa sida hoose ku xusan:-

liiska-aqalka-sare-puntland liiska-aqalka-sare-puntland01

error: Content is protected !!